Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar shalay lagu dilay Sheekh Cabdullahi Maxamed Rooble oo lagu dilay duleedka Muqdisho.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Sheekh Cabdullahi uu ka mid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaannada Maamulka Koofur Galbeed ku matala dowladda Federaalka ah.

Waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo Mooto watay ay ku dileen degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Sheekh Cabdullahi oo 85 jIr ahaa waxaa uu Xer ku heystay Degmada Bardaale,waxaana sidoo kale la sheegayaa in uu Macallin ka ahaa Dugsi Qur’aan ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.