Wararka ka imanaya degaanka Buufoow ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay labo qof ku dileen degaankaas.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in meydka labo Nin oo qoorta laga gooyay la soo dhigay duleedka Magaalada Marka.

Dadka degaanka ayaa sheegay in labada Nin ay Gaari Dameerro ku wadeen Raashin kuwaas oo u waday Magaalada Marka.

Ehelka labada Nin ee la dilay ayaa Meydka labada Nin saaka ka qaaday halkii ay Xalay dhigeen Al-shabaab.

Al-shabab ayaa labo todobaad ka hor go’doomiyay Magaalada Marka iyaga oo diiday in magaaladaas ay galaan Gaadiidka wada raashinka nuucyadiisa kala duwan.

Waxaa ay xireen Waddada Jannaale iyo midda Muqdisho ka gasha Magaalada Marka,waxaana arrintaas ay sababtay in uu sare u koco qiimaha Raashinka ee Magaaladaas.