Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay isu dhiibeen shan askari oo ka mid ahaa Milatariga Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Askartaas ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

shanta Askari oo fadhiya.

Askartan ayey sheegeen in ay ka goosteen Ciidamada dowladda ee ku sugan Maxaas,iyaga oo sida ay Al-shabaab sheegtay xaalad adag ku sugnaa.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in Askartaas ay ku soo bandhigtay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

Askarta oo taagan.

Askarta ayaa la soo bandhigay iyaga oo xiran Hubkii ay siisay dowladda Soomaaliya,waxaana sida ay sheegtay Al-shabab Taliye ahaa sarkaalka lagu magacaabo Tareedishe oo dhawaan loo magacaabay Taliya qeybta 27aad.

Al-shabaab iyo maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ayaa waxaa ay dhowr jeer sidan oo kale soo bandhigeen xubno ay sheegeen in ay dhinacyada kale ka soo goosteen.

mid ka mid ah Askarta oo taagan.

Maamulka Jubaland ayaa inta badan soo bandhiga ciidamada ka goosta AL-shabaab,waxaana sidoo kale ay Al-shabaab soo bandhigtaa kuwa ay sheegto in ay ka goosteen Jubaland.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee ah askarta ay ku soo bandhigtay Ceelbuur.