Xarada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu bur buriyay xarun sharikadda Safaricom ee dalka Kenya ay ku lahayd duleedka Gaarisa.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weel Mareer oo ka tirsan Gaarisa halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya.

War ka soo baxay Al-shabab ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay qabsadeen degaankaas kaddib markii dagaal muddo kooban socday ay Ciidanka Kenya isaga baxeen.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Shabaab ayaa ku dagaallamay degaanka sida ay ku faantay Al-shabaab waxaana isaga baxay Ciidanka Kenya iyada oo intaas kaddibna ay Al-shabab bur buriyeen xarunta Safaricom ee Degaankaas.

Shariakdda Safaricom ayaa dhowr jeer sidan oo kale looga bur buriyay xarumo isgaarsiineed oo ay ku lahayd Gobolka Soomaalida ee ay Kenya Maamusho.