Daraasad lagu sameeyay weerarrada Al-shabab  ee dhacay intii u dhaxeysay October 2017 ilaa April 2018 oo ay u dhaxeyso lix bilood ayaa lagu faah faahiyay sida ay u dhaceen iyo meelaha ay ka kala dhaceen.

75% weerarrada Al-shabaab ee 418ka ah waxaa ay ka dhaceen Koofurta Soomaaliya,30% waxaa ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha Muqdisho,4% waxaa ay ka dhaceen dalka Kenya, taas oo sanadihii la soo dhaafay noqotay meel dagaal.

Al-shabaab waxaa ay 40%| weerarrada u ageesatay Hubka Milatariga,qaraxyada,Miinooyinka iyo Bambooyinka la tuuro waxaa ay weerarrada ka yihiin 24%, halka weerarrada is qarxinta ah ay ka badanyihiin 2%.

54% weerarrada Al-shabaab ee muddadaas dhacay waxaa ay ku beegsadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo beeleedyada taabasan dowladda, 28% waxaa ay weerarradaas ku beegsadeen Ciidamada AMISOM.

Warbixintan oo laga soo ururiyay warbixinta billaha ah ee ay Al-shabaab ka sameyso dagaalkeeda waxaa lagu falanqeynayaa 418ka weerar ee ay sheegatay, 167 weerar oo u dhigma 40% guud ahaan weerarrada ayaa loo xaqiijiyay si madaxbanaan,taas oo ka dhigan in 60% warbixintan aan la xaqiijin,Al-shahaab badanaa ma sii daayaan sawirrada,caddeymaha  iyo wixii la mid ah marka laga reebo weerarro gaar ah.

Iyada oo laga duulayo dabeecad ahaanta mucaaridka ee weerarrada ay sheegatay Al-shabab,waxaa warbixintan sahan iyo falanqeyn ku sameeyay FDD oo hoostaga wargeyska Long War Journal.

Sheegashooyinka qaar  ee Al-shabaab waxaa ay ka badbadiyaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sidaas darteed,daraasaddan waxaa ay ka tagtay sheegashooyinka qaar,waxaana xoogga lagu saarayaa weerarrada Al-shabab ee Bariga Afrika.

Sheegashooyinkan waxaa loo qeybiyay dhowr nooc,waxaana ka mid ah bartilmaameedka,Goobaha,iyo gobollada, tusaale Ciidamada Milatariga ee dowladda,Booliska,  iyo Ciidanka Puntland ee amaanka iyo nabad sugidda, waxaa loo bixiyay  Ciidanka amaanka Soomaaliya, qeybta xigta waxa loo bixiyay Sirdoonka Soomaaliya,halka shaqaalaga dowladda,xarumaheeda  iyo dhismayaashaba loo bixiyay Dowladda Soomaaliya.

Warbixinnada Al-shabaab,ciidanka dowladda waxaa ay u yaqaannaan Malleeshiyo taageersan dowladda,waxaa sidoo kale  dowladda Soomaaliya isku halleysaa awoodda Ciidamada dowlad Goboleedyada ama beelaha ee Gobollada,ilaa si gaar ah loo sheego,waxaana loo bixiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ama SNA.

Waxaa intaas dheer, howlgallada AMISOM,kuwa Ciidamada dowladda iyo ciidanka gaarka ah ee Mareykanka waxaa la geliyay qeyb gaar ah oo ah howlgallada gaarka ah.

125 ka mid ah 418ka weerar,waxaa ay ka dhaceen  gudaha Muqdisho iyo hareeraheeda, meesha labaad ee ugu badan waa Degmada Afgooye,waxaa ka dhacay  28 weerar, waxaa xiga Boosaaso oo ay ka dhaceen 22 weerar, Baraawe waxaa ka dhacay 19 weerar, Qoryooley waxaa ka dhacay 17 weerar, iyo Beledweyne oo ay ka dhaceen 16 weerar,weerarro kale oo aan tiradooda la sheegin waxaa ay ka dhaceen Marka, Mahadaay, Kismaayo, Hoosingoow,  iyo Baydhaba,waxaa intaas dheer weerarrada ka dhacay Sohdinta Kenya iyo Soomaaliya.

Weerarrada ugu badan waxaa ay ka dhaceen Koofurta Soomaaliya,sida Gobolka Banaadir oo ay ka dhaceen 125 weerar, Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay 111 weerar, 29 weerar oo ka dhacay Gobolka Baay, Jubada hoose oo ay ka dhaceen 26 weerar,Shabeellaha dhexe oo ay ka dhaceen 23 weerar, dhulka ugu badan ee ay Al-shabab maamulaan waxaa uu ka midyahay meelaha ay weerarayaan ee koofurta Soomaaliya oo lagu daray GedoJubada hoose,Bakool  iyo tiro yar oo ay ka geysteen meelo kale.

Gobollada Hiiraan,Mudug  iyo Puntland waxaa ay wadaagaan 39 weerar,halka waqooyiga Puntland ee Gobolka Bari laga wariyay 23 weerar,badankoodna waxaa ay ka dhaceen caasimadda Gobolka ee Boosaaso.

16 weerar waxaa ay ka dhaceen  gudaha Kenya,waxaana ugu badnaa Gobolka Mandheera,sidoo kale waxaa ay weerarro ka dhaceen Lamu,Gaarisa,Wajeer, Tana River,dhamaan al-shabab ayaa sheegtay saddex Gobol ayaase la xaqiijiyay.

Nooca weerarrada ay geysteen AL-shabaab,waxaa ay kala haayeen; weerarro toos ah, sida saldhigyada Ciidanka, Milatariga, waxaana ay gaarayeen 166 weerar,waxaa xigay 101  oo Qaraxyo ah, 67 Qaarijin ah, 43 weerar oo Bam gacmeed ah, shan toogasho oo xubnaha iyaga ka mid ah loona heystay basaasnimo.

10 weerar oo is qarxin ah,kuwaas oo badankood lala beegsaday  Xraumaha Milatariga Soomaaliya iyo AMISOM, Al-shabaab, qoondeyntooda dadka isqarxinaya waxaa ay ka mid tahay tabta ay adeegsadaan,waxaana ay ku taagan tahay tubta weerarrada AL-Qaacidda ee degsan, dhamaan 10ka weerar ee is qarxinta ahna waa la xaqiijiyay.

Waxaan la yaab ahayn in inta ugu badan weerarradaas oo gaaraya 224 weerar ay ka dhan ahaayeen Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya halka AMISOM oo 2aad ahna lala beegsaday 117 weerar, halka xarumaha dowladda  lagu qaaday 23 weerar, xarumaha Nabad Sugidda waxaa lagu qaaday 19 weerar,halka sheegashooyinka qaar lala beegsaday xarumaha Ciidamada wadajirka ah ee Soomaaliya,AMISOM iyo Mareykanka, saddex ka mid ah weerarrada ka dhanka ah ciidanka isku dhafka ah waxaa wariyay warbaahinta gudaha Soomaaliya.

Kaliya hal weerar oo ka dhan ah Ciidanka Liyuu Boolis ee ka howlgala dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhacay muddadaas,waxaana inta badan weerarrada ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Meelaha kale ee ay Al-shabaab beegsadaan waxaa ka mid ah Gudaha Kenya,Itoobiya, goobaha dadka ku badanyahay iyo Magaalooyinka.

Ururka Daacish qeybtiisa Soomaaliya ayaa muddadaas lixda bilood ah geystay 23 weerar oo kali ah, inta badan weerarradaas waxaa ay ahaayeen qaarijin ka dhan ah saraakiisha sirdoonka ,Milatariga iyo Booliska Soomaaliya, waxaana ay inta badan  ka dhaceen Agfooye, waxaa kale oo ay Daacish sheegatay 2 Qarax,.

Milatariga Mareykanka ayaa beegsanayay Shabakadda Al-shabaab tan iyo 206dii, markaas oo Ciidamada Mareykanka ay taageerayeen Ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya,saraakiil ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Maxaakiimtii iyo Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarradaas,weerarrada ka dhanka ah Al-shabab ee Mareykanka ayaa sare loo qaaday 2017kii,markaas oo uu Madaxweynaha Mareykanka Trump,Al-shabab u aqoonsaday Qatar ka dhan ah Mareykanka,waxaana uu amray in la beegsado xarumaha ay Ciidamada ku tababaraan.

Weerarrada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-shabaab saameyn badan kuma yeelan howlgalladooda,waxaana ay sii wadaan  maamulidda degaannada Miyiga ah,magaalooyinka yar yar oo ku taalla Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya,inkasta oo ay wajahaan howlgallo ka dhan ah oo uga imanaya Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.

Isha: Long War Journal

Mustaqbal Radio