Naadiga reer Holan ee Ajax ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday qiimaha kaliya ay ku fasaxayaan laacibkooda De jong oo aad suuqa looga doonayo.

Xiddigaan ayaa diirada u saaran kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub sida Barcelona, Juventus, Manchester City iyo Bayern Munich.

Jariirada The Bild ayaa daaha ka qaaday in Ajax ay ku wargalisay kooxaha reer yurub ee doonaya adeega De Jong  inay miiska soo saaraan lacag dhan 60 milyan oo euro.

Barcelona ayaa aad ugu dhawaatay inay la wareegto laacibkan suuqii xaggaaga, balse Ajax ayaa doorbiday inay sii haysato.