48 sano ka hor Maanta oo kale sanadkii 1969;kii waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si farsameysan u abaabuleen afgenbiga.

Ka hor dilka Ahun Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke waxa jiray doodo ka taagaan doorashadii June 1967dii, kala qaybsanaan u dhaxeysay mucaaradka iyo qabaailka qaarkood oo u arkayey in saami wadaagga siyaasadda ay ku dulman yihiin, waxa kale oo jiray xibsiyo waday Olole ka dhan ah madaxweynaha iyo xisbigiisa SYL;  kuwaas oo sheegayey in lacag farabadan oo dowladdu leedahay loo adeegsaday si gaar ah, islamrakaana is xun loo maamulay dhaqaale gargaar ah oo ay dowladda Soomalaiya ka heshay dibadda.

Arrin kale oo dhiirrigelisay kooxdii maleegtay afgenbiga iyo la taliyeyaashooda Ruushku waxa ay ahayd in Ahun Madaxweyne Cabdirashiid iyo Afhayeenkii golaha shacabku ay u baxeen booqashada gobolada Waqooyi (Somaliland), halka raisalwasaare Cigaalna uu ku jiray Siyaaro uu ku marayey Mareykanka.

Maadaxeynihii USA Richard Milhous Nixon 1969-1974 waxa dhinac taagan marwo Adna Aadan, xaaska Rw Cigaal Raisalwasaare Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Ka maqnaanshaha madaxda ee Caasimaddu waxa ay hawo fiican siisay farsamayaqaankii Afgenbiga Ahun: SG:Salaad Gabayre Kediye, waxa sameeyey xiriir qarsoodi ah oo uu la yeeshay qaybaha ciidanka ee 26; 21aad; iyo 67aad , kuwaas oo uu u arkayey in ay muhiim u yihiin in dalku galo gacanta ciidanka,

Habeeno ka hor 21-kaOctober; waxa soo baxay in uu jiro abaabul ay wadaan rag ka tirsan ciidanka XDS; balse si loo rumeeysto iyo si loo beeniyo ma haysan madaxdii xukuumadda Rayidku wax muujinaya oo ka badan in inqilaabkaasi marayo heerka fulinta, intii uu ku jiray heerarka fakarka iyo qabanqaabada waxa ay ragga diyaarinayey u dhaqmayeen si aan loogaba shakin Karin in ay wadaan qorshe iyo abaabul afgenbi, Ahun: Sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre; waxa uu xilliga intiisa badan la qaadanayey madaxda xukuumaddii uu afgenbiga u maleegayey, taas oo hoos u dhigtay shakiga geli kara.

Sida uu Maxamed Turunji ku qoray buuggiisa Somalia Untold History Ahun; Raisalwasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa intii uu hayey xilka raisalwasaarenimo welwel iyo walbahaar ku hayey xogta uu ka helo dhinaca Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, dhowr bil ka hor afgenbiga xukuumaddii rayidka ahayd waxa uu raisalwasaare Cigaal wadey qorshe Taliyaha xoogga dalka loogu dirayo Raashiya si uu uga qaybgalo  tababar iyo aqoon kororsi dhanka ciidanka ah, sidaas oo kale waxa jiray hindise xilka taliyaha ciidanka  looga qaadayo SG; Maxamed Siyaad Barre, taasna waxa riixayey dhaqdhaqaaqa Jananka iyo saaxiibadii oo xukuumadda aanay waxba kala socon iyo hadal haynta suurtgalnimada in afgembi dhaco.

Iyada oo doodahaasi taagan yihiin ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in uu dhintay madaxweyne Crashiid; kadib markii uu toogtay mid kamid ah illaaladiisu.

15; October-1969; 12:45, maalin tallaado ah ayaa laga maqlay Radio Muqdisho in Khaain kamid ah ciidanka booliisku uu fuliyey dil toogasho ah oo sababay dhimashada Madaxweyne Crashiid Cali Sharma’arke

Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad

Warqad uu qoray Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad, October 21, 1969; saacado ka hor afgembiga, kuna socotay Madaxweynihii 37aad ee Maraykanka Richard Milhous  Nixon; ayaa muujisay in xitaa sirdoonka Mareykanku uusan xog iyo xaraf ka hayn dilka Ahun Madaxweyne Crashiid Cali Sharma’arke, balse ay heleen in dilka madaxweyne Crashiid uu sababi karo dagaal ballaaran oo dhexmara Qabaailka Soomaaliya, islamarkaana aanay fileyn in xubno kamid ah ciidanka XDS; oo diiddan waanwaan ay madaxweyne Crashiid iyo Raisalwasaare Cigaal la geli lahaayeen Itoobiya, iyaga oo ka duulaya in aanay kulmin curashada dowladda Soomaaliya iyo collaadda Itoobiya.

Waanwaanta ayaa ku qotantay in Itoobiya joojiso olaha ka dhanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay markaas ka wadday fagaarayaasha ururada Caalamiga ah, iyada oo isku dayeysay in ay danaha dowladda Soomaaliya col uga abuurto golayaasha caalamiga ah iyada oo  adeegsanaysa dacaayad ah in Soomaalidu tahay dad qallafsan oo lagayaabo in ay baabi’iyaan dhammaan danaha reer Galbeedka ee geeska Afrika.

Henry Kissinger; Xaashida uu u diray madaxweyne Nixon ayaa waxa kale oo ku qornaa in askari booliiska Soomaaliya kamid ah oo iskii isu abaabulay uu fuliyey dilka madaxweynaha, raisalwasaare Cigaal ayaa ka soo duulay gobolka California, saacado yar kadib waxa dhacay afgenbigii, raisalwasaare Cigaalna waxa uu kamid ah madaxdii islamrkiiba xabsiga la geliyey.

Kooxdii Afgenbiga fulisay wixii koowaad oo ay qabteen waxa ay ahayd in dastuurka buriyaan, Maxkamadda laalaan, xeerarka dalka oo dhanna ka dhigaan waxba kama jiraan, dalkana u bixiyaan magac cusub oo lagu qurxinayey wejiga xun ee xukun maroorsiga ah,  halkii uu magacu ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayay u rogeen Jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa ay xabsiga dhigeen madaxda xukuumaddii rayid ahayd, waxa ayna baabi’iyeen hannaankii xisbiyada badan, kaas oo Baarlamaankii 9; ee Soomaaliya uu dib u meelmariyey 46; sano kaddib.

Bishii November waxa ay kooxdii inqilaabku ku mashquulsanayeen sidii ay u sameyn lahaayeen marmarsiinyo loo maray afgenbiga xukuumadda doorasho ku timid, waxa ay soosaareendhowr xaashiyood oo maareynayey arrimaha qaanuunka iyo xiriirka dibadda.

Dhacdooyinkii waaweynaa ee Dhacay Muddadii uu xilka hayey Jaalle Siyaad

6;dii sano ee ugu horreysay xukunkiisa xoogga ku dhisan waxa uu isku dayey in uu sameysto hab uu dalka ku xukumo, iyada oo laga shidaal qaadanayo aragtida Hanti-wadaagga (Socialism), sidaas awgeed waxa Kaadirkii Kacaanku howl badan geliyey sameynta xarumaha hannuuninta, kooxaha fanka, ururada shaqaalaha iyo in dowladdu yeelato hantida waaweyn.

1975; tii ayuu qaaday mid kamid ah tallaabooyinka  hirgelinta aragtida hantiwadaagga; waxa uu isku dayey in uu billaabo hirgelinta xeerka qoyska oo soo baxay 1970-kii, kaas oo jiiraya hannaanka dhaxalka, kaalimaha Xaaladaha shaqsiga ah ee diinta Islaamka, waxa uu jeediyey hadal gogoldhig u ahaa hirgelinta xeerkaas.

Rag isugu jira culimo iyo dhallinyaro ayaa ka hadlay masaajidda iyaga oo muujinaya sida ay u diidan yihiin qodobo kamid ah xeerka qoyska ee xukunkii kacaanku soosaaray, taasina waxa ay u horseedday in dhammaantood la laayo, sidaay muujinayaan dhowr qoraal oo arrintaas xiriir la leh madaxdii Kacaanku waxa ay diideen talo ay siiyeen dowladaha qaarkood, gaar ahaan kuwa Muslimka, taladaas oo ku saabsanayd in aan xukuumadda marna qaadan tallaabo iyo go’aan gaarsiisan dil oo ka dhan ah dadka sida nabadda ah u diiddan xeerka Qoyska.

Taladaasii kuma dhicin dhego doonaya, jaalle Siyaad iyo Kaadirkiisii Kacaankuna waxa ay qaateen in la laayo Dadka ka hor yimid xeerkaas.

Kaddib markii lawada qaarijiyey 10; kii qofood ee ka hor yimid xeerkaas

23; January, maalin Khamiis ah 1975, tii ayaa Radio Muqdisho laliyey War aad murugo u geliyey dad badan kaas oo ahaa: In Dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qofood ee maxkamadda badbaadadu ku xukuntay dilka ee ka soo horjeestay xeerka qoyska, dilkaasi waxa uu ka dhacay meel u dhow dugsiga tababarka Booliiska.

Dadkaas uu kacaanku laayey oo isugu jiray culimo iyo xertoodii ayaa waxa lagu eedeeyey in ay ka hor yimaaddeen xeer Labarka 12-aad, Qodobka 54-aad ee soo baxay 10-September-1970, waxa ayna kala ahaayeen.

  1. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed,
  2. Sheekh Muuse Yuusuf,
  3. Sheekh Axmed Iimaan,
  4. Cali Xasan Warsame,
  5. Xasan Ciise Iley,
  6. Maxamed Siyaad Xirsi,
  7. Cali Jaamac Xirsi,
  8. Aadan Cali Xirsi,
  9. Saleebaan Jaamac Maxamed iyo
  10. Yaasiin Cilmi Cawil

Markii uu warkaas dhiillada leh gaaray adduunka oo dhan ayuu jeediyey hadal uu ku sheegay in dilka raggaasi uu uu dhacay hab uu isku raacay golaha sare ee kacaanku, waxa uu sheegayaa in inta badan raggii ku jiray guddiga sare ee kacaanku ay diideen in lagu daayo cafis madaxweyne.

Fanka iyo suugaanta oo ahaa shidaalka dhaqaajiya Kacaanka ayaa kamid ah waxyaabihii dhiirrigeliyey in Xukunkii kacaanku qaato tallaabooyin qallafsan, iyada oo markii dambana la soo saaray Suugaan ka dhan ah kacaanka.

April; 1978; dii Inqilaabkii Dhicisoobay’ waxaa hoggaaminayey GS Maxamed Sheekh Cismaan oo ku magac dheeraa ‘Cirro’ iyo GS: Abdullahi Yusuf Ahmed;  Markii inqilaabkii fashilmayna waxaa la toogtey 17; kamid ah rag lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen Afgenbigaas dhicisoobay, kaas oo xukunka looga tuuri lahaa dowladda Kacaanka oo qudheedu ku timid 5; farood iyo calaacal; saraakiil kale oo ka badbaadday dilka, ayaa xabsiga la dhigay.

17; qof  ee loo toogtay eedda afgenbigaas waxa ay kala ahaayeen:-

  1. Maxamed Sheekh Cismaan ‘Cirro’
  2. G/le. Saciid Maxamed Jaamac
  3. G/le. Saciid Jaamac Nuur
  4. Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame
  5. Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi
  6. Dhamme: Cabdullaahi Nuur
  7. Dhamme: Cabdullaahi Faarax
  8. Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf
  9. Dhamme: Bashiir Abshir Ciise
  10. S/xarigle: Faarax Xalwo
  11. L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar
  12. L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir
  13. L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan
  14. L/xarigle: Aadan Warsame yare
  15. L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle
  16. L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi
  17. Rayad: C/Qaadir Warsame Yare.

Waxa ka baxsaday oo kamid ahaa qorshaha afgenbiga GS: C/laahi Yuusuf Axmed; oo u cararay Dhinaca Itoobiya, kaddibna waxa uu unkay Jabhaddii SSDF; sanadkii 1978-dii

Tobankii sano ee u dambeysay waxa uu xukunkii kacaanku billaabay in uu taagdarreeyo, kaddib dagaalkii ciidanka XDS la galay taliskii Itoobiya iyo jabhadihii xukundiidka hubeysan ahaa oo xoogeystay.

Sanadkii 1991; ayaa xukunkii kacaanku Burburay, Maxamed Siyaad Barre Waxa uu tegey gobolka Gedo, markii dambana waxa uu megengelyo siyaasadeed ka helay Nayjeeriya, magaalada Legos ayuu ku geeriyooday sanadkii 1995-kii

WQ: Axmed Ciise Guutaale