Dalka Gabon,waxaa ka dhacau Afgambi ay Milatariga dalkaas kula wareegeen Warbaahinta Dowladda iyaga oo sheegay in ay dhisayaan Gole soo celiye maamulka Dowliga ah.

Markii Ciidamada ay kaga dhawaaqeen Raadiyaha Dowladda in ay dalka la wareegeen waxaa Caasimadda Libreville, is qabsaday Rasaas ay dadka qaar sheegayaan in ay tahay dabaaldeg.

Madaxweynaha la Afgambiyay ee Cali Bongo ayey ku eedeeyeen in uu yahay nin la xanuunsanaya cudurka Dhiig karka, islamarkaana aan awoodin maamulka dowladda.

Kelly Ondo Obiang, ah Jeneraal ka tirsan Ciidanka Gabon,hoggaaminayana Afgambiga ayaa sheegay in Madaxweyne Bongo uu ku fashilmay maamulka dowladda iyo dadka Gabon.