Dhaqaatiirta Isbitaalka St. Peter Specialized, ee Magaalada Adis ababa ayaa qalliin ay ku sameeyeen Bukaan Isbitaalka tagay waxaa ay ka soo saareen 120 Musbaar,labo Saliinggo,Labo Istakiin, iyo  Labo Jab oo Bakeeriga Shaahiga ah.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in Ninkan oo 33jir ah qalliinkiisa uu qaatay labo Saac iyo Bar xiriir ah ugu dambeyna ku guuleysteen in ay ka soo saaraan.

Dr Dawit Teare,oo hoggaaminayay kooxda qalliinka ku sameysay Ninkan ayaa sheegay in Ninka 10kii Sano ee la soo dhaafay uu dhimirka ka xanuunsanayay,haddana ay soo hagaageyso xaaladdiisa caafimaad.

Isha:FBC