Ugu yaraan 9; qof oo ay ku jiraan lix Haween ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka labo kalena oo haween ah  la qafaashay sida ay sheegeen ilo ku sugan degaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Haweenka la laayay ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen kuwa Nadaafadda waxaana degaanka Xaawa Cabdi ku weeraray koox hubeysan oo Gaari yar watay.

Markii ay Haweenka u tageeen ayey Rasaas ku fureen Haweenka,waxaa goobta ku geeriyooday lix Dumar ah halka labo kalena horay ay u sii ka xeysteen Kooxda weerarka geysatay.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa weerarkaasi ku eedeeyay dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in goobta lagu dilay 6 Haween ah iyo saddex Rag ah.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu laayay haweenka ka shaqeynayay nadaafadda ee lagu dilay degaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha hoose.