Runtii Jaceylku waa wax jira wuxuuna kayimadaa qabiga daacada ah waana dareen qofka kudhasha marka uu arko qof aad u cajabiyay oo uu isleeyahay qofkaan waa qofkii ku haboonaa in aad nolosha la wadaagto hadaba waxaan kuso gudbin donaa 5-Siyaabood oo aad ku hanan karto qalbiga qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waxaana ka mid ah.

1-Garab istaag niyadana u dhis marka uu dhibaateysan yahay ama ay dhibaateysan tahay.

Waa dariiqada kuwaad oo aad ku furan karto qalbiga qofka aad calmatay hadii aad garab istaagto oo aad niyada u dhisto xiliyada uu la kulmo/ay lakulanto dhibaatada waxaana xiligaasi uu kuu arkayaa/ay kuu arkeysaa inaa tahay qof u dhaw oo daneeya.

2-Ku dadaal inaad sameyso waxyaabaha uu jecelyahay ama ay jeceshahay.

Marwalba waa kuu muhiim inaad isku daydo sidii aad kuso jiidan laheyd qofka dagay qalbigaga waxyaabaha kuu sahlikaro waxaa ka mid ah inaad xili walba kudadaasho inaad sameyso waxyaabaha uu jecelyahay ama ay jeceshahay qofka aad dooneyso.

3-Ukeen Hadiyad ama Gudoonsii Hadiyad.

Hadiyad gudoonsiinta waa waxyaabaha keena in qofka uu ku jeclaado Nabigeena Muxamed NNKH ayaa yiri Hadiyad isa siiya waad is jeclaaneysaanee marka marwalboo aad la kulmeyso jaceylkaaga xogaa Hadiyad ah horay ugu qaad Hadiyadaasi oo ah waxyaabaha uu jecelyahay jaceylkaaga.

4-Haka niyad jabin Jaceylkaaga.

Waa wax macquul ah qofka aad jeceshahay in aad mararka qaar kala kulanto hadalo ku caragalinaya lkn marnaba haka niyad jabin sidii aad ku hanan laheyd qofka aad calmatay calaamadaha lagu garto qofka sida dhanta ah wax u jecel waxaa ka mid ah maniyad jabo mana quusto ilaa uu ka helo qofka uu sida dhabta ah u jecelyahay.

5-Marwalba u sheeg  inaad si dhab ah u Jeceshahay.

Dabcan qofka aad jeceshahay waxaa suuragal ah in uu san isaga ku jecleyn waa muhiim inaad xili walba dareen sii so una sheegto inaad tahay qof si dhab ah u jecel warwalba oo aad la kulmeyso ama aad la hadleyso ku dheh xaqiiqdii si dhab ah ayaan kuu jeclahay kalimadaasi hadii  ay kuso laa laabato dhagaha qofka aad jeceshahay waxaa laga yaabaa in uu soo dabco oo uu dhankaaga soo jaleeco.

 

W/Q: Maxamed Ahmed Lio