Adduunyada waxaa hadda ku badanaya been abuurka iyo in marararka qaar warar dhab ah loo maleeyo been abuur taas oo sababta mashaakil badan.

Wararka been Abuurka ah waxaa ay ka sameysmaan afar dhinac oo kala ah, Siyaasiyiinta,Warbaahinta,Baraha Bulshada iyo Adiga (Shakhsiga).

Siyaasiyiinta:  marka hore waa in ay joojiyaan adeegsiga ereyga Been abuur, sababta oo ah dal dhibaatada ugu badan waxaa ay ka soo gaartaa in dadkiisu ay aamini waayaan hoggaankooda,been darteed.

Tusaale,maalin baa waxa dhici karta dhacdo xun oo soo socota ,waa uu sheegi doonaa waxaana la dhihi doonaa waa beentiis,haddii sidaas ku dhamaato dhacdadaas waxaa ay noqon kartaa Musiibo laga digayay oo uu isaga billaabay,haddii aan la rumeysanna waxaa ka dhalanaya khasaare naf iyo maal leh,sidaas darteed marka hore waa in siyaasiyiintu joojiyaan beenta.

Warbaahinta: Hay’adaha Warbaahinta waa in ay tebiyayaashooda ka mamnuucaan wararka been abuurka ah,kaftanka iyo aragtida malada ah ee aan xaqiiqda heysan ee ay ku baahiyaan baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka.

Sharikadaha baraha Bulshada : waa in ay xil iska saaraan ka hortagga arrintan ama dowladaha u oggolaadaan in ay xeerar u sameyso kuna dhaqmaan si looga hortago wararka been abuurka ah, xeerarkaas waxaa ay la mid noqon karaan kuwa Telefishinnada,Wargeysyada iyo Raadiyayaasha, mid ayaase run ah in maanta wararka ugu badan ee been abuurka ah ka billowdaan baraha bulshada.

Adiga: Dhamaanteen waxaan dooneynaa inaan baahinno ceebaha kuwa kale, waana ay inoo fududahay ceebeynta dadka kale, jooji in aad baahiso sheekooyinka aad xitaa aqrinin, jooji baahinta Twitter-ka ee wax aan sal lahayn oo haddana fidi kara, soo koob waqtigaaga adeegsiga baraha bulshada sidoo kalena intaas yar ka shaqee runta iskuna day in aad wax aqriso.

Xusuuso: haddii Facebook-ggaaga qeybta news feed ay saaranyihiin warar badan oo aqris kaa raba,halkaas been badan ayaa ku taagan ,kaliya waqtiga sii kuwa saxda ah.

W/D: Jim VandeHei

W/Turjumay: Adam Ibrahim  Farah (Showqi).

Mustaqbal Radio.