Ciidanka Dalka Uganda ayaa gacanta ku dhigay Faan-Maroodi badan oo laga soo gudbinayay dhinaca Koofurta Suudaan.

750 Faan-Maroodi ayey gacanta ku dhigeen Ciidanka Dalka Uganda,taas oo ka dhigay in la dilay 375 Maroodi oo ku noolaa Dalka Koofurta Suudaan.

Ciidanka Uganda waxaa ay sheegeen in Faan Maroodiga ay sidoo kale la qabteen Kumanaan Xayawaanka Pangolin ah oo iyaguna la qarinayay.

Booliska Dalka Uganda ayaa xiray labo qof oo u dhashay Dalka Vietnam,kuwaas oo lagu tuhmayo in ay Faan Maroodiga iyo Pangoliga sharci darrada ah doonayeen in ay ka dhoofiyaan Kampala.

Vincent Seruma, oo ah Afhayeenka Booliska Uganda ayaa sheegay in dad ay booliska u saareen dabagalka ay soo ogaadeen Bakhaarka lagu qarinayay Faan Maroodiga iyo Xayawaanka Pangoliga ee la qabtay.

Hilibka Xayawaanka Pangoliga ayaa aad looga cunaa Qaaradda Aasiya,Dalka China,waxaaba laga soo sameeyaa Dawooyinka qaar.