Dalka Ingiriiska maalinta berri ee Isniinta ah waxaa laga xusayaa maalinta Xanuunsiga Ingiriiska ,waxaana shaqada aan tageynin shaqaale ku dhow nus malyuun qof.

Sanadkii la soo dhaafay shaqaale badan ayaa Taleefan u diray madaxdooda shaqada iyaga oo ku dhahaya, “waan ka xumay mudane,waan xanuunsanahay maanta”.

Isniinta ugu horreysa Bisha February sanadkasta waxaa Ingiriiska laga xusaa maalinta xanuunsiga dalkaas oo u dhiganta Maalin qaran,taas oo shaqaalaha aysan shaqada tegin.

Sababta maalintaas loogu dooray waxaa lagu sheegay in ay tahay maalinta ugu badan ee uu Hargab ku dhoco dadka Ingiriiska,sidoo kale lafaha xanuunaan ama shilal ku dhaawacmaan.