Kaddib shilkii Diyaaradeed Axaddii ka dhacay Dalka Itoobiya , ilaa iyo 27 wadan oo ay hadda ku biirtay Dowladda Kazakhstan ayaa hawadooda ka mamnuucay duulimaadyada diyaaradaha nooca loo yaqaan Boeing 737 Max.

Diyaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 737 Max ayaa axaddii la soo dhaafay dhacday waxaana ku dhintay dhammaan 157 qof oo la socday.

Waxaana ka sii horeysay mid kale oo 6 bilood ka hor ku dhacday meel u dhow biyaha Indonesia taasina waxa ay sababtay in dalal badan ay hawadooda ka mamnuucaan.

Wadamada kale ee qaaday tallaabadan mid la mid ah ayaa kala ah Australia , midowga Yurub, United Kingdom, Shiinaha, India,Singapore, Faransiiska, Jarmalka,Ireland, kuuriyada koonfureed,Mongolia,Indonesia,Malaysia, Cuman, isutaga imaraadka carabta iyo Norway.

Shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airlines ayaa shalay sheegtay inay dejisay diyaaradda Boeing 737 Max inta go’aan kale uu ka soo baxayo.