Ugu yaraan 215 Qof ayaa lagu dilay iyada oo ay boqolaal kale ku dhaawacmeen Koofurta Galbeed ee dalka Syria kaddib markii weerarro xiriir ah ay halkaas ka fulisay Ururka Daacish.

Qof isku xiray walxaha qarxa ayaa ku dhex qarxay suuq Khudaarta lagu iibiyo oo aad mashquul u ahaa Magaalada Suweyta oo 120 KM u jirta Caasimadda Syria ee Dumishiq.

Wakaaladda Wararka Dalka Syria ee SANA,ayaa sheegtay in dagaal yahanno ka tirsan Daacish ay weerareen saddex Tuulo oo ku yaalla Waqooyi Bari Magaalada Suweyta ay ku dileen daraasiin shacab ah.

Ciidamada dowladda Syria ayaa inta badan todobaadkii la soo dhaafay Ururrada Mucaaridka ah ee ay ugu weyn tahay Daacish kala wareegay Gobollada Deraa iyo Quneitra.

Weerarradii shalay ee dhimashada badan dhaliyay waxaa sheegtay Ururka Daacish,iyada oo dowladda Syria ay ku cambaareysay laynta dadka Rayidka ah.