In kasta oo aysan dad badani ku baraarug saneyn hadana ahmiyada naftaadu waa ay fududahay in aad ilaawdid.

Dadka ahmiyada siiya naftooda waa dad jecel naftooda awoodna u leh in ay ka mira dhaliyaan waxa ay dooneyso naftooda guul iyo guul darada in taba.

Dadka qaar ayaa isku qalda ahmiyad siinta nafta iyo naf raacida lakiin labadaasi waa kuwo kala duwan.

Tusaale markaa dhibaatooyin kugu dhacaa  waa in aad naftaada ahmiyad siin kartid si aad u kabato.

15 kaan qodob waa kuwa ay sameeyaan dadku marka ay doonayaan in ay naftooda ahmiyad siiyaan.

1: Waxaad joojineysaa in aad dadka kale isku qiyaasto.

Waxaad ogaataa in aadan aheyn qof hebel oo uu qof hebel leryahay dadnimadiisa u goonida ah ayna jiraan sababo sidaan ka dhigaya ama u diidaya sidaada oo kale.

2: Ahmiyada koowaad sii waxa aad dooneyso.

Adiga oo ka taxadara baahiyaha dadka kugu harereysan hadana waa in dantaadu kow kuu ahaa taa.

3: Fahmida in helida farxadaadu kow kuu tahay.

Adiga oo ka duulaya helida farxadada waa in aysan ku murjinin wixii hore ee tagay oo aad kaliya ahmiyada siisaa sida aad u badali laheyd tagtadii hore.

4: daacad ka ahaanshiyaha qofka aad tahay iyo midka aadan aheyn.

Waa inaadan naftaada been uga sheegin qof ka aad tahay ee aad xaqiiqda u sheegtaa

5: Joojinta in aad wax kasta sidoodii ka dhigto.

Waa in aad u aragto in wax kasta sida la doonayo laga dhigo ineysan muhim aheyn.

6: Ogaanshiyaha qiimaha dhabta ah ee jaceylka dhabta ah.

Waa in aad ogaataa in aad heli tanka jaceyl dhaba kana fogaato ku maawalinta naftaada jaceyl been abuur ah

7: Ka saarida noloshaada dadka aan muhim ka u aheyn.

Waa in aad iska joojisaa dadka hadeysanba awood u laheyn iney kula guuleystaan ama guusha dhankeeda kuu wadin

8: Ha awood siin niyad jabka.

Waxyaabaha ku cabsi galinaya waa in aad tuurto oo aad horey ugu socoto waxyaabaha ku dhiiri galinaya

9: Waqti sii naftaada.

Marka aad dareento niyad jab ama walwal sii muhiimada in aad dagto hana ka hor marin waxyaabo kale.

10:waa in aad Maya dhihi karto.

Waa in aad naftaada adiga go,aanadeeda gaari kartid.

11: ha u ogalaan dadka kale in ay ku hagaan.

Waa in aad leedahay xad aadan u ogalaan dadka kale in ay soo dhaafan si eysan kuu qaribin.

12:Aqbal dareenka kugu jira.

waxyaabaha kaa dhex guuxaya waa in aad dareentaa oo aadan is ilowsiin ama ka soo qaadin eber ama meel cidlaa.

13: Tag tadii hore yeynan ku dabrin.

Ha ogaalaan in ay ku dabaraan qaladaad hore oo kaa dhacay kuna niyad jabiyaa.

14: Iska dhaaf rabitaanka dadyowga kale. waa in aad ogaataa in fikirkaagu muhiim yahay nolosha ee aysan muhiim aheyn waxa ay dhahayaan dadyowga kale ama umaleynayaan.

15: Iska ilow waxyeelada oo cafi dadyowga kale.

Hadii aysan hada noloshaada qeyb ka aheyn ha u ogolaan in ay maskaxdaada mashquuliyaan ama wareeriyaa.

Isha:WekeUp.