Jaamacadda Taif ee Dalk Sucuudiga ayaa sheegtay in Barnaamijyada tababarka Ciyaaraha ee ku cusub Jaamacadda ay iska diiwaangeliyeen Ardey Gabdho ah oo gaaraya 1,127  Gabdhood.

Gabdhaha ayaa waxaa ay ardeyda Jaamacadda oo gaaraya 36,097 oo kun ka yihiin 3%,waxaana Jaamacadda dhawaan soo kordhisay tababarka noocyada kala duwan ee Ciyaaraha.

877, Gabdhood waxaa ay isu diiwaangeliyeen Ciyaaraha Feerka,104 waxaa ay isu diiwaangeliyeen barashada tababarenimo ee kubadda Cagta,132 waxaa ay isu diiwaangeliyeen Kubadda Gacanta,halka 14 ay isu diiwaangeliyeen Tennis-ka.

Amal Ashour, oo ah xoghayaha Jaamacadda ayaa sheegtay in Jaamacaddooda ay leedahay shan kooxood oo kubadda Cagta ah iyo lix kooxood oo kubadda Gacanta ah,kuwaas oo Gabdho kaliya ah.

Sidoo kale Jaamacadda waxaa ay qabataan tartamada Ciyaaraha kala duwan sida Shataranjiga,Gacanta,kubadda Cagta, Tennis-ka, Miiska,