In aad lanoolaato bulsho waxa ay u baahantahey in aad leedahey hab-dhaqan wanaagsan oo aad kula socon karto bulshada.

hadaba 11-kaan qodob waxa ay kaa dhigaan ruux aan hab-dhaqan wanaagsanayn.

  1. Xasuusnaanshiyaha jiritaanka dadka kale: Waxaa jira dad aan ogeyn in dad wax laleeyahey oo jecel in uu kaligiis noolaado taana waxa ay kaa dhigtaa ruux aan hab dhaqan wanaagsaneyn.
  2. Balan kabaxa. In aad noqoto qof aan balanta ilaalin oo markasta ka baxa balanta uu qaado waxa ay kaa dhigtaa ruux aan hab dhaqan wanaagsaneyn.
  3. Eed sheegasho xad dhaaf ah. In aad tahey ruux markaste cabasho badan kana sheekeeya dhibaatooyinka heysta taasna waxa ay kaa dhigtaa ruux aysan dadku jeclaysan,Soomaalidu waxa ay dhahdaa bukto badan iyo baahi badan waa la isku nacaa.
  4. Xariir ku daneysi In aad tahey ruux daneysta ah oo markaste jarra ruuxii uu dantiisa kawaayo taasna waxa ay kaa dhigtaa ruux aan hab dhaqan wanaagsaneyn.
  5. Ku qanac la’aanta sida ay yihiin dadyowga kale. Ruuxa oo aan ku faraxsaneyn sida ay u egyihiin dadka kale oo markaste cadow ku ah dadka kale taasna waxa ay kaa dhigtaa qof aan hab dhaqan wanaagsaneyn.
  6. Qirasho yari xitaa been yar oo la qirto Ruuxa oo aan qiran waxa xun ee uu sameeyay xataa halmara hadiii been sheego.
  7. jarida xariirka dadka. In aad tahey qof aan xariirin Asxaabta,Qaraabada iyo dadkale oo dhan uuna yahey qof iska naca dadka,raadshana marka uu u baahdo oo kaliya.
  8. Xaasidnimo dadka kaa hooseeya: Waa qofka xaasidka ku ah qofka isaga hooseeya aan kor u soo qaadin xaasidnimo darteed.
  9. Aniga! Aniga !Aniga naftiisa oo kaliya.Waa ruuxa jecel in uu wax walba asagu qabto sidoo kalana jecel in uu wax walba cuno soomaalidu waxa ay u taqaan kaligii cune.
  10. Kahadlida inta ay dadka dheeryihiin.Ruuxa markaste ka sheekeeya waxa ay dadkale dheeryihiin waxa uu heystana aan ku xamdin
  11. Hab dhaqan wanaagsan isla lihid. In aad isku heysato ruux dadka ugu hab dhaqanka wanaagsan oo aad isgaarsiido meel sare.                                                                                    Isha Indy100